shaxan sallax
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shaxan sallax
Plane figure
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addin
addin¹: m.l (-immo/-inno, m.dh) 1. Afarta lugood ee xawayaanka middood. 2. la-mid: addimid.
addin²: m.l (-imo, m.dh) 1. (xisaab) Tirada kulannada loo baahanyahay in baro lagu muujiyo xarriiq dusheeda, qaab ama adke. Shaxan sallax ah waa laba addimaale, shaxan adke ahna waa saddex addimaale. 2. (xisaab) Baaxadda shaxan sallax ama adke ah. 3. (xisaab) Mid ka mid ah xaddiyada fisigeed ee salka ah oo loo adeegsan karo in lagu tibaaxo xaddiyo kale.
addin³: f.g1 (-imay, -intay; -imi) la-mid: aadaan² (1).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexroor
dhexroor¹: m.l 1. Meesha dhexda ah ee laba maro la isaga tolo. 2. Labalaabka gacanka. 3. Dhidib. 4. la-mid: dhexroorid.
dhexroor²: m.l (xisaab) Fogaanta isaga gudubta shaxan sallax ah ama adke ah ee halka barta ugu ballaaran ee shaxanka. Dh.ka goobada waa xarriiqda toosan oo marta xuddunta goobada kuna dhammaata laba barood oo goobada ku yaalla.
dhexroor³: m.l (c.fal.) Xarriiq lagu mala awaalo in ay xiriiriso labada cirif oo marta bartamaha dhulka uu ku wareego.
dhexroor⁴: f.g1 (-ray, -rtay) Laba cad oo maro ah dhexroor u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeb-isgudub
m.l (-byo, m.dh) (xisaab) Marka shaxan adke ah loo jaro sallax ahaan ama shaxan sallax ah ee ka soo baxa jariddaas oo kale. Tusaale ahaan, j.i.ka mara dhex-bartanka kubbad waa goobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sal
sal¹: m.l (-lal, m.l) 1. Jirrid, gun. 2. Marka la fadhiyo meesha dhulka la dhigo, bari.
sal²: m.l (-lal, m.l) 1. (naxwe) Qaybta ereyga ee aan laga sii yarayn karin, kaddib marka laga gooyo dibkabayaasha, dhammaadyada iyo wixi lamida waa qaybta xambaarsan micnaha aasaasiga ah ee ereyga (tus.: cun, fur, bar). 2. (xisaab) Dhinaca hoose ee shaxan sallax ah ama wejiga hoose ee shaxan adke ah.
sal³: f.g1 (-alay, -ashay) 1. Hilib saafid. 2. Biyo ku oon beelid. la-mid: sol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanqar
wanqar¹: m.l (-rro, m.dh) Dhaawac halis ah.
wanqar²: m.l 1. (xisaab) Guud ahaan, shaxan ama tibaax waxa la yiraahdaa waa wanqaranyahay haddii qaybo ka mid ah shaxanka ama tibaaxda la isku beddel karo iyada oo aan shaxanka ama tibxaha la doorin. Shaxan joometariyeed waxa uu leeyahay wanqar noqod haddii baro ku yaalla shaxanka ay leeyihiin baro ku aaddan oo ka soo noqday bar kale oo loo yaqaan xuddun wanqareed, xarriiq wanqareed ama sallax wanqareed. 2. (xisaab) Shaxan kasta oo loo qaybin karo laba qaybood oo middiiba midka kale uu u yahay humaag muraayadeed shaxan sallax ah waxa uu leeyahay ugu yaraan hal xarriiq wanqareed oo u qaybisa laba humaag muraayadeed. Xarafka A waa wanqaranyahay; is mana beddelo marka muraayad lagu eego. Hase yeeshe, xarafka R ma aha wanqar.
wanqar³: f.g1 (-ray, -rtay) Ugaar, xoolo iyo wixi lamida iyada oo uur-kujirta laga saarayo calool ka dillaacin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
addin
addin¹: m.l (-immo/-inno, m.dh) 1. Afarta lugood ee xawayaanka middood. 2. la-mid: addimid.
addin²: m.l (-imo, m.dh) 1. (xisaab) Tirada kulannada loo baahanyahay in baro lagu muujiyo xarriiq dusheeda, qaab ama adke. Shaxan sallax ah waa laba addimaale, shaxan adke ahna waa saddex addimaale. 2. (xisaab) Baaxadda shaxan sallax ama adke ah. 3. (xisaab) Mid ka mid ah xaddiyada fisigeed ee salka ah oo loo adeegsan karo in lagu tibaaxo xaddiyo kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexroor
dhexroor¹: m.l 1. Meesha dhexda ah ee laba maro la isaga tolo. 2. Labalaabka gacanka. 3. Dhidib.
dhexroor²: m.l (xisaab) Fogaanta isaga gudubta shaxan sallax ah ama adke ah ee halka barta ugu ballaaran ee shaxanka. Dh.ka goobada waa xarriiqda toosan oo marta xuddunta goobada kuna dhammaata laba barood oo goobada ku yaalla.
dhexroor³: m.l (c.fal.) Xarriiq lagu mala awaalo in ay xiriiriso labada cirif oo marta bartamaha dhulka uu ku wareego.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeebisgudub
m.l (-byo, m.dh) (xisaab) Marka shaxan adke ah loo jaro sallax ahaan ama shaxan sallax ah ee ka soo baxa jariddaas oo kale. Tusaale ahaan, j.i.ka mara dhexbartanka kubbad waa goobo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sal
sal¹: m.l (-lal, m.l) 1. Jirrid, gun. 2. Marka la fadhiyo meesha dhulka la dhigo, bari.
sal²: m.l (-lal, m.l) 1. (naxwe) Qaybta ereyga ee aan laga sii yarayn karin, kaddib marka laga gooyo dibkabayaasha, dhammaadyada iyo wixi lamida waa qaybta xambaarsan micnaha aasaasiga ah ee ereyga (Tusaale: cun, fur, bar). 2. (xisaab) Dhinaca hoose ee shaxan sallax ah ama wejiga hoose ee shaxan adke ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wanqar
wanqar¹: m.l (-rro, m.dh) Dhaawac halis ah.
wanqar²: m.l 1. (xisaab) Guud ahaan, shaxan ama tibaax waxa la yiraahdaa waa wanqaranyahay haddii qaybo ka mid ah shaxanka ama tibaaxda la isku beddel karo iyada oo aan shaxanka ama tibxaha la doorin. Shaxan joometariyeed waxa uu leeyahay wanqar noqod haddii baro ku yaalla shaxanka ay leeyihiin baro ku aaddan oo ka soo noqday bar kale oo loo yaqaan xuddun wanqareed, xarriiq wanqareed ama sallax wanqareed. 2. (xisaab) Shaxan kasta oo loo qaybin karo laba qaybood oo middiiba midka kale uu u yahay humaag muraayadeed shaxan sallax ah waxa uu leeyahay ugu yaraan hal xarriiq wanqareed oo u qaybisa laba humaag muraayadeed. Xarafka A waa wanqaranyahay; is mana beddelo marka muraayad lagu eego. Hase yeeshe, xarafka R ma aha wanqar. m.f.dh, wanqarid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Figure, plane
Shaxan sallax
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Plane figure
Shaxan sallax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanqar
(fal) ugaadh, xoolo iyo wixii la mid ah iyada oo uurkujirta laga saarayo calool ka dillaacin.
wanqar -ka: (magac, lab, keli) dhagax lagu hagaajo oo lagu sigibtiro dhagaxa hoose ee shuurada lagu ridqo. Dhagax wanqar ah oon ku wanqarno inoo doon. Dh: kureed.
wanqar -ka: (magac, lab, keli) dhaawac halis ah.
wanqar-ka: (magac, lab, keli) guud ahaan, shaxan ama tibaax waxa la yiraahdaa waa wanqaran yahay haddii qaybo ka mid ah shaxanka ama tibaaxda la isku beddeli karo iyada oo aan shaxanka ama tibxaha la doorin. Shaxan joometariyeed waxa uu leeyahay wanqar noqod haddii baro ku yaalla shaxanka ay leeyihiin baro ku aaddan oo ka soo noqday bar kale oo loo yaqaan xuddun wanqareed, xarriiq wanqareed ama sallax wanqareed.
wanqar -ka: (magac, lab, keli) shaxan kasta oo loo qaybin karo laba qaybood oo middiiba midka kale uu u yahay humaag muraayadeed shaxan sallax ah waxa uu leeyahay ugu yaraan hal xarriiq wanqareed oo u qaybisa laba humaag muraayadeed. Xarafka A waa wanqaran yahay; is mana beddelo marka muraayad lagu eego. Hase yeeshe, xarafka R ma aha wanqar.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xagalsallax
Qalab lala kaashado xagaltocxinta ee ka samaysan birciideed culus.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saxan waraab
Basin irrigation
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saxar saleed
Elementary particle
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
DHAQAN KA BAX
Fuori uso
Unserviceable
Waa wax, kaddib markii muddo lagu dhaqmay, ama lagu shaqaystay, duugoobey amaba inta waxyeello gaartey aan dib loogu shaqaysan karin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Muraayad sallax
Plane Mirror
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shaxan dulmeeran
Circumscribed figure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanqallal
-ka: (magac, lab, keli) cudur xididdada maskaxda dadka ku dhaca oo labada dhinac ee jidhka midkood uu shaqayn waayo. Dh: faalij.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dul sallax
Surface, plane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salagsalag
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg salag.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saxar qaad
Dust storm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbaday
(fal) waraaq iyo wixii aad sexeexdo u yeel astaantii xafiiska. Warqadda ii shaanbaday maamule.
shaanbaday: (fal) shaanbad ku dhufo, waraaq, iyo wixii la mid ah, aad saxeexday, shaabad ku duldufo; tiinbaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaankaxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax la shaankaxay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanshaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aad u fog. Iyaga maxaa shaan shaan geeyay haday sidan u jilicsan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashsaar
shaashsaar¹: m.l Xaflad la sameeyo toddabaadka arooska dhammaadkiisa oo gabadha, shaash muujinaya inay gabarnimadii ka baxday loogu saaro.
shaashsaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Gabar la aroosay markii ugu horreysay shaash u saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaashsaar
m.l Xaflad la sameeyo toddabaadka arooska dhammaadkiisa oo gabadha, shaash muujinaya inay gabarnimadii ka baxday loogu saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shararraax
shararraax¹: m.l Sh. ah: wax midab isku dhafan leh.
shararraax²: f.mg1 (-xay, -xday) Ku s.: soo bixid (garka).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shararraax
(fal) (ku ~) gadhka soo bixi.
shararraax-a: (magac, lab, keli) wax midab isku dhafan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaxartaan
(Shaxartaan-ka)
(qof) xarrago badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxartaan
m.l (-nno, m.dh) Qof xarrago badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaxartaan
m. n. dandy, elegant person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxartaan
-ka: (magac, lab, keli) qofka xarrago iyo islaweyni badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaxartaan
cf: xarrago
de: dandy, elegant person
initial: s
lx: shaxartaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: shaxartaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansanaan
m.f.dh eeg dhaansan. la-mid: dhaansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la dhaamiyay oo daf laga dhigay ahaan. dhaansanaansho -ha: (magac, lab, keli) weel ama wax kale buuxsanaan. Dh: dhaansanaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kood sallax
Plane curve
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxsalaax
f.mg1 (-xay, -xday) U m.: cid sasabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaxsalaax
f.mg1 (-xay, -xday) U m.: cid sasabid. m.f.dh, madaxsalaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxsalaax
-a: (magac, lab, keli) calaacasha oo timaha madaxa la dulmarmariyo iyadoo sababo badan sidaa loo yeelo. Madaxsalaaxa agoonka ajarbaa ku jira.
madaxsalaax-a: (magac, lab, keli) ilmo ama cid masuul laga yahay oo loo sii laandaayo oo qaladka uu sameeyo waxba laga soo qaadi waayo waxa uu doonana kolkaaba la siiyo. Wiilka madaxsalaaxa ka daa oo dugsigaaga teg dheh. Dh: rabarabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahan bilaw
n. phr. preliminary survey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahansanaan
m.f.dh eeg sahansan. la-mid: sahansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxalsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax xanuun ku jiro. Dh: diifaysnaan. Li: fayoobaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxarsaleed
m.l (-dyo, m.dh) (c.fal) Magac guud oo ay wadaagaan dhammaan saxarrada uu maatarku ka kooban yahay ee aan loo sii kala jabin saxarro ka sii yar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaash saar
-ka: (n) a party for putting a headdress on a newly married women; a party for welcoming a newly married woman to the world of married women
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubasalaax
f.g1 (-xay, -xday) la-mid: suubaan-salaax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubasalaax
-a: (magac, lab, keli) sasabo iyo koolkoollin cid wax ugu sheegid. Waar wiilka yar suubasalaaxa ka daa oo shawdh u qaao. Dh: xannaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxar-saleed
m.l (-dyo, m.dh) (c.fal) Magac guud oo ay wadaagaan dhammaan saxarrada uu maatarku ka kooban yahay ee aan loo sii kala jabin saxarro ka sii yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaandhaysan
(tilmaame) baandhaysan; bawisan.
shaandhaysan: (tilmaame) shaandho lagu kala safeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashsaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Gabadh la aroosay oo la shaash saaray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqo ka bax
v. handle a job, acquit oneself well in performing a task; leave ~ quit a job; get off work
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubaansalaax
f.g1 (-xay, -xday) Cid sasabid. la-mid: suubasalaax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubaansalaax
-a: (magac, lab, keli) sasabid iyo sabaalayn. Suubaansalaax iyo inaad saami gooniya, wax ku siiso meeyee saantuun ha eegine. Dh: sabaalayn. Li: dagaalid.